Mustaqbalka Gariiga

Raiisalwasaaraha Gariiga Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Raiisalwasaaraha Gariiga George Papandreou

Raiisalwasaaraha Gariiga George Papandreou ayaa shir degdeg ah la leh golaha wasiirada iyadoo ay jiraan wararka is qilaafsan mustaqbalka dowladiisa.

Hubaal la aanta ayaa ka danbaysay qorshe uu ku dhawaaqay Raiisalwasaaraha oo lagu samaynaayo afti loo qaadayo lacagta daynta degdega ah ee la siinayo Gariiga.

Dadka qaar ayaa sheegaya in Raiisalwasaare Papandreou uu isku diyaarinayo inuu xilka ka dego,wararka kalena waxay sheegayaan inuuusan is casilayn.

Waxaa la filayaa inuu la hadlo baarlamaanka. Afar ka mid ah wasiiradiisa ayaa sheegay inaysan taageerayn qorshaha Raiisalwasaaraha ee lagu samaynayo aftida