Weerarro ka dhacay Nigeria

Lahaanshaha sawirka bbc
Image caption Dabley reer Nigeria ah

Wararka ka imaanaya waqooyiga bari ee Nigeria ayaa sheegaya in weerarro is xigay oo ay rag hubeysan ku qaadeen magaalada Damaturu ay ku dhinteen ugu yaraan soddon qof, qaar kale oo badanna ay ku dhaawacmeen.

Qaraxyada ayaa ka dhacay meelo kala duwan oo magaalada ka tirsan, oo ay ku jirto xarunta ciidamada booliiska.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in xabbad la maqlayay habeennimadii.

Dad badan ayaa la sheegay inay magaalada ka qaxeen.

Maanta ayaa waxa sidoo kale magaalada Maiduguri meel u dhaw waxa ka dhacay is rasaaseyn iyo is qarxin.

Weerarradan ayaa waxa looga shakiyay xubno ka tirsan kooxda Islaamiga ee mintidka ah ee Boko Xaaraam.

Masuuliyiinta Nigeria ayaa waxa ay ka digeen weerarro ay suurtagal tahay ka hor munaasabadda ciidda.