Ciid Wanaagsan

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Dad Muslimiin ah oo dukanaya salaadda ciidda

Dadka muslimiinta ayaa maanta si weyn ugu ciiday munaasabada Ciidul Adxa, iyadoo dadka oo faraxsan ay isugu soo baxeen wadooyinka iyo goobaha lagu cibaadeysto.

Dadka Soomaaliyeed maanta waxay u dabaaldagayaan munaasabadda ciidda Adxa.

Magaalooyinka waaweyn sida Muqdisho, Hargeysa, Garowe, Djibouti, Gaarisa iyo Nairobi ayaa waxaa salaadda lagu tukaday masaajiddada magaalooyinkaas.

Carruurta ayaa dhar qurxoon sitay, iyada oo meelaha qaarn ay ku cayarayeen baaruudda rashta loo yaqaan iyo waxyaaba kale oo ay caruurtu ku cayaarto.

Inkastoo aad loo ciideystay haddana dagaallada ka socda qeybo ka mid ah Soomaaliya, abaarta iyo roob la'aanta ka jirta gobollo badan ayaa saameyn ku yaalatay munaasabaddan.

Maalinta ciida ayaa ah maalin ku weyn muslimiinta dunida ku dhaqan oo ay ku ciidaan farxad iyo damaashaad, iyadoo soo gunaanadaysa mudo bil ah oo ay soomanaayeen muslimiinta caalamka.