Maraykanka oo joojiyay lacagtii UNESCO

Shirka UNESCO Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Shirka guud ee UNESCO

Maraykanka ayaa joojiyay lacagta uu siiyo hayadda Qaramada Midoobay ee UNESCO, kadib markii Falastiiniyiinta loo ogolaaday inay xubin buuxda ka noqdaan hayadda UNESCO.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa sheegtay in lixda milyan ee dollar oo uu siiso sanadkii Maraykanka UNESCO inaan la bixinayn bishan.

Go'aanka lagu ogolaaday Falastiiniyiinta ayaa codeeyay wakiiladii wadamada xubinta ka ah UNESCO ee ka soo qaybgalay shirkoodii guud.

Maraykanka iyo Israel ayaa ka soo horjeestay.

Ku biirida UNESCO ee Falastiiniyiinta ayaa ka mid ah dadaal ay Falastiiniyiinta ugu jiraa inay xubin buuxda ka noqdaan Qaramada Midoobay si ay u noqdaan wadan la aqoonsan yahay.