Burcad lala dagaalay

Burcad Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Burcad la tuhunsan yahay

Shaqaalaha markab kalluumaysi oo laga leeyahay dalka Taiwan ayaa la dagaalay burcad Soomaali ah oo ka afduubtay meel u dhow xeebta Soomaaliya.

Labaatan iyo siddeed shaqaalaha markabka ayaa la dagaalay burcadda maalin ka dib markii ay ka afduubeen markabka. Markabka ayaa hadda u socda Seychelles.

Wali lama oga xaalada ay ku sugan yihiin burcaddii lala dagaalay.

Boqolaal qof iyo dhowr iyo toban markab ayay burcadda wali ku haystaan Soomaaliya.