Dhaqtarkii Micheal oo lagu helay dambi

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Conrad Murray waxa uu ahaa dhaqtarkii gaarka ee Micheal Jackson

Guddi garsoor oo jooga magaalada Los Angeles ee waddanka Mareykanka ayaa dambi ah inuu si aan ula kac ahayn u dilay Micheal Jackson waxa ay ku heleen dhaqtarkiisi.

Doctor - Conrad Murray - oo 58 jir ah ayaa waxa lagu helay dambi, kadib markii lagu eedeeyay inuu ka dhaqaaqay Michael Jackson kadib markii uu siiyay daawo aad u awood badan oo dadka lagu seexiyo oo la yiraahdo propofol.

Go'aanka guddiga oo maxkamadda markii looga dhawaaqayay ay joogeen, Michael Jackson hooyadii, Katherine, ayaa waxa la dhacday oohin,

Maxkamadda banaankeeda ayaa taageerayaasha Jackson ay bilaabeen inay dabaaldegaan.

Conrad Murray waxaa lagu sii heynayaa xabsiga, waxaana uu wajahayaa xarig afar sano ah.

Weriye ka tirsan BBC oo Los Angeles ayaa sheegaya marka la eego xabsiyada oo aad u buuxa, inay suurtagal tahay in dhaqtarka loogu beddelo xabsi guri.