Ganacsiga Maraykanka iyo Galbeedka Afrika

Maraykanka ayaa dib u soo celiyay xiriirkii ganacsi ee qaaska ahaa ee uu la lahaa saddexda wadan ee Galbeedka Afrika ee Ivory Coast, Niger, iyo Guinea isagoo aqoonsanaya dimoqraadiyada ay gaareen.

Madaxweyne Obama ayaa ku dhawaaqay go'aanka sanad walba dib loogu eego Africa Growth and Opportunity Act.

Ganacsiga qaaska ee uu Maraykanka la leeyahay Ivory Coast ayaa la hakiyay 2005tii ay bilaabmen iska hor imaadyo siyaasadeed.

Guinea ayaa la hakiyay sanadkii hore ka dib afganbi dhacay. Nigerna hoos ayaa loo dhigay heerkeedaganacsiga qaaska ah ka dib markii madaxweynahodii hore Mamadou Tandja uu isku dayay inuu dheeraysto waqtiga uu xilka hayo