Dhulgariir labaad oo ka dhacay Turkey

Dhulgariir Turkey Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Kooxaha gurmadka oo baaraya dadka ku hoos jira dhismooyinka

Kooxaha gurmadka ayaa isku dayaya sidii ay u gaari lahaayeen dadka ka bedbaaday dhulgariir cusub oo ku dhuftay magaalada Van ee bariga waddanka Turkey.

Dhulgariirka ayaa waxa ku dhintay ugu yaraan toddobo qof.

Tiro dhismooyin ah ayaa ku burburay intii uu socday dhulgariirka oo cabirkiisu ahaa 5.7 heerka dhulgariirka.

Dhismooyinka burburay waxaa ku jira hotel lix dabaq ahaa.

Ilaa boqol shaqaale dhinaca samafalka ah iyo weriyayaal ayaa la aaminsan yahay inay degganaayeen hotelka.

Qaar ka mid weriyayaasha halkaasi ku go'doonsan ayaa waxa ay farriimo ku soo direen mobile, iyaga oo weydiisanaya in gacan la siiyo.

Weriyayaasha ayaa gobolkaasi u joogay inay ka soo warramaan dhul gariir laba toddobaad ka hor ka dhacay, kaasi oo ay ku dhinteen in ka badan 500 oo qof.