Dhulgariir labaad oo ka dhacay Turkey

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 10 Novermber, 2011, 07:51 GMT 10:51 SGA
Dhulgariir Turkey

Kooxaha gurmadka oo baaraya dadka ku hoos jira dhismooyinka

Kooxaha gurmadka ayaa isku dayaya sidii ay u gaari lahaayeen dadka ka bedbaaday dhulgariir cusub oo ku dhuftay magaalada Van ee bariga waddanka Turkey.

Dhulgariirka ayaa waxa ku dhintay ugu yaraan toddobo qof.

Tiro dhismooyin ah ayaa ku burburay intii uu socday dhulgariirka oo cabirkiisu ahaa 5.7 heerka dhulgariirka.

Dhismooyinka burburay waxaa ku jira hotel lix dabaq ahaa.

Ilaa boqol shaqaale dhinaca samafalka ah iyo weriyayaal ayaa la aaminsan yahay inay degganaayeen hotelka.

Qaar ka mid weriyayaasha halkaasi ku go'doonsan ayaa waxa ay farriimo ku soo direen mobile, iyaga oo weydiisanaya in gacan la siiyo.

Weriyayaasha ayaa gobolkaasi u joogay inay ka soo warramaan dhul gariir laba toddobaad ka hor ka dhacay, kaasi oo ay ku dhinteen in ka badan 500 oo qof.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.