Wafdi Midowga Yurub oo tegaya Rome

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Raiisul Wasaaraha Talyaaniga Berlusconi waxa uu sheegay inuu qorsheynayo inuu is casilo

Maalin kadib markii Raiisul Wasaaraha Talyaaniga, Silvio Berlusconi uu ku dhawaaqay inuu qorsheynayo inuu is casilo, ayaa wafdi ka socda Midowga Yurub waxa uu tegayaa magaalada Rome si ay u arkaan sida ay Talyaanigu isugu deyayaan wax ka qabashada dhibaato dhaqaale oo kale oo ka dhacda Eurozone.

Saraakiisha Midowga Yurub waxa ay doonayaan liis dheer oo ay ku qoran yihiin sida ay dowladda Talyaanigu u qorsheyneyso beecinta hantida ay dowladdu leedahay, sida ay u dhimeyso deymaha badan ee lagu leeyahay iyo qodobo kale.

Guddoomiyaha dhaqaalaha ee Midowga Yurub, Olli Rehn, ayaa xaaladda Talyaanigu ku jiro ku tilmaamay mid wel wel leh.

Mr Berlusconi waxa uu ku guuleeystay codkii miisaaniyadda shalay uu qaaday baarlamaanka - sababtuna waxa ay ahayd mucaaradka oo ka aamusay.