Baarlamaanka Talyaaniga iyo dhaqaalaha

Baarlamaanka Talyaaniga ayaa bilaabay shaqo ah inay meelmariyaan isbeddello dhaqaale oo muddo dheer dib loo dhigayay, iyadoo doodda arrintani ka socoto aqalka aqalka Senate-ka. Waxay qayb muhiim ah ka tahay dadaal lagu doonayo in lagu soo afjaro dhibaatada dhaqaalaha ee cirka isku sii sahreeraysa ee dalka Talyaaniga iyo waddammada isticmaala lacagta qura ee Yurub.

Weriye BBC oo jooga magaalada Rome waxaa uu leeyahay hoggaamiyeyaasha Talyaaniga waxay aad u doonayaan inay muujiyaan inay arrintan samayn karaan, dhaqso ayayna u wadaan. Aqalka senate-ka waxaa algu wadaa inay maanta ansixiyaan qorshan, aqalka hoose-na uu meelmariyo dhammaadka toddobaadkan, taas oo horseed u noqnaysa iscasilaaddii uu ballan qaaday Ra'iisal Wasaare, Silvio Berlusconi. Waxaa la filayaa inuu beddelo Mario Monti, oo hore madax uga ahaan jiray Midowga Yurub.

Hase ahaatee dadka arrimahan dersa waxay leeyihiin xataa haddii isbeddelkan la sameeyo Talyaaniga waxaa soo foodsaari doonta waqti aad u adag sidii uu dhaqaalihiisa u toosin lahaa.