Julius Malema oo lagu helay dambi

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Julius Malema waxa uu ahaa hogaamiyaha ururka dhalinyarada ee xisbiga ANC

Xisbiga talada haya ee waddanka Koonfur Afrika, ANC ayaa waxa ay ka joojiyeen xisbiga Hogaamiyaha ururka dhalinyarada African National Congress, Julius Malema, oo lagu helay dambi ah inuu sumcad darro u keenay ANC.

Kadib dacwad muddo dheer qaadatay, guddiga anshaxa waxa ay sheegeen in Mr Malema uu ahaa qof dhibaato ku keenay xisbiga, oo aan anshax lahayn, isla markaana uu ka shaqeeyay kala qeybinta xisbiga.

Mar sii horreysay ayaa ciidamada booliisku waxa ay xireen goobaha u dhaw xarunta xisbiga uu ku leeyahay magaalada Johannesburg, oo laga cabsi qabay in mudaharaadyo ay sameeyaan taageerayaashiisa.

Waxa muddo badan ay is hayeen Madaxweynaha Koonfur Afrika Jacob Zuma.