Natiijada doorashada Liberia

Ellen Johson Sirleaf Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Ellen Johnson Sirleaf ayaa ah madaxweynaha kaliya oo dumar ah qaarada Afrika

Natiijooyinkii ugu horeeyay ee wareegii labaad ee doorashada madaxweynenimada Liberia ayaa la sugayaa in lagu xaqiijiyo in Ellen Johnson Sirleaf ay ku guulaysatay, kadib markii uu mucaaradkauu ka baxay tartanka.

Ninka ka soo horjeeday Winston Tubman ayaa ugu baaqay taageerayaashiisa inay joogaan guriga, isagoo ku eedeeyay wareegii koowaad ee doorashada musuqmaasuq.

Wariyaha BBCda ee Galbeedka Afrika ayaa sheegaya in in dad aad u yar ay ka qayb qaateen doorashada.