Syria oo laga eryey Jaamicadda Carabta

syria protests Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Muddaharaadyada Syria

Ururka Jaamicadda Carabta ayaa laalay xubninimadii dawladda Syria ilaa iyo inta Syria ay ka hirgelinayso shuruudihii waanwaanta nabadda dalkeeda ee hore loogula heshiiyey jaamicadda.

Waxa kale oo jaamicadda Carabtu ku dhawaaqday cunaqabatayn dhaqaale oo lagu soo rogo dawlada Syria, iyo in dawladaha Carabta safaaradahooga ay ka so qaataan magaalada Dimishiq.

Dhinaca kalena, Jaamicaddu waxay ugu baaqday ciidamada dalka Syria inay ka waantoobaan in xoog lagu isticmaalo dadka muddaharaadaya.

Dawladda Syria waxay cambaaraysay go'aana ururka Jaamicada Carabta, waxayna ku tilmaantay mid aan sharci ahayn, isla markaasna waxay ku cambaaaysay in ururku u adeegayo danaha reer Galbeedka.

Go'aanka Jaamicadda Carabta waxa diidey oo aan u codayn dalalka Yemen iyo Lebanon, waxana ka aamusay dalka Iraq.