Mario Monti oo loo magacaabay ra'iisal-wasaare

Mario Monti Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Mario Monti, ra'iisa-wasaaraha cusub ee Talyaaniga

Dalka Talyaaniga ayaa loo magacaabay Ra'iisal-wasaare cusub oo ah Mario Monti.

Mario Monti waa nin aqoon u leh culuunta ddaqaalaa, horena uga tirsanaan jirey madaxda guddiyada dhaqaalaha ee ururka Midowga Yurub.

Magacawgani waxa uu ka danbeeyey markii uu iscassiley ra'iisal-wasaarihii hore Sylvio Berlesconi iyo madaxweynaha Talyaaniga Giorgio Napolitano oo wadey la tashiyo dhinaca axsaabta ah.

Waxana laga sugayaa raiisal-wasaarahan cusub in uu wax ka qabto dhibaatooyinka dhaqaalaha iyo deymanka Talyaaniga.

Waxaa kale oo uu sheegay in uu soo dhisi doona dawlad ka kooban aqoonyahanno iyo khubaro.