Dhuunta gaaska ee Israel iyo Jordon

Israel ayaa ka keensata gaaskeeda ugu badan Masar Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Israel ayaa ka keensata gaaskeeda ugu badan Masar

Dowladda Masar ayaa lagu soo waramayaa inay xirtay saddex qof oo ka tirsan koox Islaamiyiin ah oo looga shakisan yahay inay weerar ku qaadeen dhuun gaaska u qaada Israel iyo Jordan.

Dhuunta waqooyiga Siinaay ayaa la qarxiyay Khamiistii hore markii lixaad sanadkan gudahiisa.

Warfaafinta Masar ayaa sheegtay in ninka soo abaabulay weerarka Maxamed al Teehi in la xiray axadii iyo in laba kalena la xiray subaxnimadii Isniinta meel u dhow magaalada Al Carish.

Masar ayaa siisa gaaska ku dhawaad gaaska ay isticmaasho heshiis aad loo dhaleeceeyay ee uu saxiixay madaxweynihii hore ee Masar Xusni Mubaarak.

Dadka dhaleeceeya heshiiska ayaa sheegay in Masar ay lacag raqiis ah ku siiso gaaska Israel