Cunaqabatayn lagu soo rogay Syria

Wasiirka arrimaha dibadda ee Syria Walid Mucalim Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Wasiirka arrimaha dibadda ee Syria Walid Mucalim

Wasiirada midowga yurub ee ku shiraya Brussels ayaa ku heshiiyay inay balaariyaan cuna qabataynta Syria.

Waxay joojiyeen daymo uu bangiga maalgalinta ee Yurub siin lahaa Syria, waxayna ku soo rogeen xayiraad socdaal siddeed iyo toban qof oo ka tirsan milatariga Syria oo lagu eedeynayo inay xoog u isticmaalaan dadka mudaaharaadaya.

Ilaa toddobaatan iyo afar qof oo katirsan dowladda Bashar Al assad ayaa laga xayiray lacagta bangiyada u taalla iyo socdaalkooda.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Faransiiska Alain Juppe, ayaa sheegay in tallaabadan loo baahan yahay sababtoo ah madaxadayga dowladda Syria