Soomaaliya oo laga shirayo

Ra'iisal Wasaaraha Britain, David Cameron, ayaa sheegay in Britain ay sannadka soo socda qaban doonto shir caalami ah oo looga hadlo Soomaaliya.

Shirka waxaa looga hadli doonaaa sidii wax looga qaban lahaa xasillooni darrada Soomaaliya iyo sidii maraakiibta ka gosheysa gacanka Cadan looga badbaadin lahaa burcad badeedda.

Ra'iisal Wasaaruhu wuxuu ku tilmaamay in Soomaaliya ay tahay dal fashilay oo si toos ah khatar ugu ah danaha Britain.

Wuxuu tusale u soo qaatay weerarrada ka dhanka ah dalxiisayaasha iyo shaqaalah gargaarka iyo madax rogidda dhallinyarada Britain ay ku hayaan kooxo Islamist ah oo gobolka sal ku leh.

Burcad badeedda Soomaalidu ma ahan wax aan loo jeedin, waa rag gacanta adeegsada sharcina aan lug ku lahayn, waxayna wataan doomo yar yar, ayuu yiri Cameron.

Waxaa loo joogaa, ayuu raaciyay, xilligaa aan si toos ah u wejihi lahayn.

Shirka aan waxkhtiga oo dhici doono la cayimin, wuxuu ku saleysnaan doonaa sidii loo badbaadin lahaa maraakiibta ganacsiga ee ka gosheysa gacanta Cadan, in cadaadis la saaro kooxaha xag jirka ah, in dalalka gobolka gacan la siiyo iyo in wax laga qabto sababta keentay colaadda iyo deggenaasho la'aanta Soomaaliya.