Daacuun ayaa ka dillaacay Dhadhaab

Qaramada Midoobay ayaa sheegaty in daacuun ka dillaacaty, Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab oo au ku jiraan in ka badan 450,000 oo ruux.

QM waxay sheegtay in ilaa hadda Dhadhaab lagu arkay 60 ruux oo cudurka qaba.

Qof ayaa u dhintay.

Hey'adaha gargaarku waxay sheegeen in roobabab lixaad leh oo degaanka ka da'aya iyo ammaan darradu ay dhib ku hayaan hawlaha samafalka.

Dhakhaatiirta aan Soohdinta lahayn, MSF, ayaa xeryahaa ka baxday bishii hore. Ka dib markii laba shaqaalheeda ka mid ah la af duubay.