Aidska oo hoos u dhacay

Qof qaba cudurka Aidska Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Qof qaba cudurka Aidska

Qaramada Midoobey, Hayadda uga qaabilsan la dagaalanka cuduraka Aids-ka, waxaa ay sheegtay in cudurkaasi qaadistiisu ay hoos u dhacday markii ugu horaysey mudo 14 Sanadood ah.

Hayadda UN AIDS waxaa ay sheegtay, in hoos u dhacaasna ay keentay dagaal xog leh oo ay dalalka dunidu ku qaadeen la dagaalanka cudurka Aids Tobankii sanadood ee aynu soo dhaafnay.

Cudurkaasi waxaa uu meesha ugu saraysa gaaray, sanadkii 1997dii.

Kala qaadista cudurkaasina waxaa uu hoos u dhacay 20 boqolkiiba.