Talaalka kanserka ilmo galeenka

Bakteeriyada Kansarka Lahaanshaha sawirka SPL
Image caption Bakteeriyada Kansarka

koox wadda olole caalami ah oo dhanka caafimaadka ah ayaa sheegtay inay talaal ka hortagi karo Kancerka ku dhaco ilmo galeenka ay siin doonaan ilaa labo milyan oo haween ah oo ku nool waddamada soo koraaya.

Kooxdan oo la yirahdo Isbahaysiga Caalamiga ee Talaalka, ayaa sheegay in haween ku sugan sagaal waddan ay ka faa'idaysan doonaan talaalkani.

Hase ahaate, arrintani waxay ku xirantahay waxa ka soo bixi doono wadahadal ku saabsan qiimaha daawooyinka oo ay la yeelanayeen shirkadaha daawooyinka soo saara iyo dowladaha waddamada talaalka laga samaynayo si loo hubiyo in talaalka inuu si wacan u shaqeeynayo.