Xaaladda macluusha oo ka soo rayneysa

Image caption Boqolaal qof ayaa u dhintay dhibaatada abaaraha Soomaaliya, oo carruur iyo haween u badan

Qaramada Midoobay waxay sheegaysaa in xaalada bini'aadanimo ee ka jirtay Soomaaliya ay ka soo rayneyso kadib dadaalka ay sameyeen hey'adaha samafalka.

Qaramada Midoobay waxay intaasi ku daraysaa in macaluushii ay ka dhamaatay saddex degmo oo ka mid ahaa 6- degmo oo ay horay Qaramada Midoobay y sheegtay in ay ka jirtay macaluul ba'an, hasayeshe waxay sheegaysaa Qaramada Midoobayu in xaaladdu weli tahay mid xasaasi ah, gargaarka ba'aadanimana weli loo sii baahan doono ilaa sannadka soo socda.

Qaramada Midoobay waxay sheegaysaa in saddex meelood oo ay ka mid yihiin xeryaha dadka barakacay ee Muqdisho ku yaala in ay weli ka jirto xaalad macaluul.

Weriayaha BBC ee Bariga Africa waxa uu sheegayaa in arrin lala yaabo ay tahay in aanu weli hoos u dhicin xadiga nafaqo-darrida iyo dhimashada dhallaanka inkastoo hay'addaha gargaarku ay gaari karaan Muqdisho.