Saif al Islam oo lagu qabtay Libya

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Saif al Islam oo la qabtay

Dowladda KMG ah ee Libya ayaa sheegtay in Saif al-Islam Gaddafi, oo ah wiilka Qaddaafi la qabtay.

Wasiirka cadaaladda, Golaha KMG qaranka ee dalka Libya, Mohammed al-Allagi, ayaa sheegay in Saif al-Islam lagu qabtay meel u dhaw magaalada saxahara ku taal Ubari ee koonfur galbeed Libya.

Waxaa lagu qaaday helicopter oo loo qaaday dhinaca magaalada Zintan, ee waqooyiga dalka.

Meelo ka mid ah dadka Libya ayaa waxa ka dhacay dabaaldeg oo ay ku jirto magaalada caasimadda ah ee Tripoli.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Telefishinka Libya ayaa soo saaray sawir muujinaya Saif oo dhaawac ka ah faraha gacantiisa midig.

Wiilka Qaddaafi ayaa dhuumasho ku jiray tan iyo m

arkii ciidamada maamulka KMG ah ay qabsadeen magaalada xarunta ah ee Tripoli bishii August.

Saif al-Islam ayaa waxa doonaya maxkamadda dambiyada caalamiga, iyada oo loo heysto dambiyo ka dhan ah bini'aadanimada.