Dad badan ayaa ku dhintay qarax Muqdisho

Somalia fighting
Image caption Dagaalyahanno Colaadda Soomaaliya

Ugu yaraan 11 qof ayaa ku dhintay, tobaneeyo kale-na way ku dhaawacmeen qarax ka dhacay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Boliiska ayaa sheegay in qarax xoog leh uu ka dhacay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, taasoo ay xukumaan ciidammada dowladda kumeelgaarka ah iyo kuwa Midowga Afrika. Boliisku waxay sheegeen in dhammaan dadka dhintay ay yihiin shacab.

wararka dhacdadan ku saabsan iyo khasaaruhu weli way sii kordhi karaan.