Cali C. Saalax oo xilka ku wareejinaya ku xigeenkiisa

Madaxweynaha Yemen, Cali Cabdalla Saalax, ayaa saxiixay heshiis uu xilka ku wareejinayo Madaxweyne ku xigeenka, Abed Rabbo Mansour Hadi.

Heshiiska wuxuu ku saxiixay caasimadda Sucuudiga ee Riyaad, isaga oo garab fadhiya, Boqorka Sucuudiga, Boqor Cabdallah bin Cabdalcasis ala Sucuud.

Ilaa sannadkan billowgiisii ayaa shacabka Yemen ay ku bannaan baxayeen Madaxawyne Cali Cabdalla Saalax.

Iska hor imaadyo shacabka iyo ciidanka ammaankana waxaa ku dhintay dad badan.

Madaxweynaha laftiisa dhaawac ayaa ku gaaray mar qarax uu ka dhacay xaruntiisa.

Marar badan oo hore ayuu oggolaaday in uu heshiis galo laakiin daqiiqaddii ugu dambeysay ayuu ka baxay.

Kacdoonka Yemen, waxaa uu qeyb ka yahay kacdoonka ka dhacay dalal badan oo carbeed.

Waxaa ugu horreysay Tunisa, waxaa xigay Masar, ka dibna Libya.

Saddexdaa dal waxaa mid kasta xilka laga tuuray hoogaamiyihii dalkaas.

Suuriya ayaa ka mid ah waddammada ay hadda rabshaduhu si xoog leh uga socdaa.