Masar oo kacsan

Telefishinka Yemen ayaa sheegay in Madaxweyne Cali Cabdalla saalax uu tegey Sucuudiga si uu u saxiixo heshiis uu xilka uga degayo.

Ergey ka socda Qaramada Midoobay, Jamal Benomar, ayaa shalay sheegay in uu Madaxweynuhu aqbalay in uu xilka ku wareejiyo ku xigeenkiisa, sidoo kalena uu aqbalay in la dhiso dowlad Midnimo Qaran.

Madaxweynaha Yemen waxaa ku kacay shacabka oo ku bannaan baxayay ilaa sannadkan billowgiisii.

Dhowr jeer ayuu ku dhowaaday in uu heshiis saxiixo, laakiin mar walba daqiiqaddii ugu dambeysay ayuu ka noqday.