Warbixinta Guddiga Bahrain

Dibed baxayaasha dalka Bahrain Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Dibed baxayaasha dalka Bahrain

Madaxa guddiga madaxabanaan ee baarayey awoodda ay dowladda u adeegsatay joojinta dibed baxyaddii ka dhacay Bahrain ayaa bilaabay in uu soo bandhigo warbixin uu arrintaas ka diyaariyey.

Waxaa uu sheegay in sameynta gudigu ay ahayd arrin taariikhi ah- waa markii ugu horraysay oo xukuumad ku taalo gobolka ay iskeed u sameyso guddi madaxbannaan iyadoo aan la saarin cadaadis caalami ah.

Ammaanka ayaa aad loo adkeeyey dalka Bahrain, iyadoo boolis la dhigay waddooyinka.

Waxaa jira warar sheegaya in la bartilmaameedsaday shaqaalaha caafimaadka ee daaweynayey dadka ay waxyeellada ka soo gaartay howlgalka xukuumada.

In ka badan laba kun oo shaqaalaha dowladda ah ayaa laga shaqadii laga saaray intii uu socday hawlgalka dowladda. Waxaa kaloo la dilay 35 qof .