Militeriga Masar oo raali gelin bixiyay

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Tobanaan qof ayaa ku dhintay mudaharaadyada Qaahira iyo magaalooyin kale maalihii ugu danbeeyay

Laba ka mid ah Jeneraalada ugu sareeya ciidammada dalka Masar ayaa raali gelin ka bixiyay dhimashada dadka ku mudaharaadayay magaalada Qaahira iyo magaalooyin kale.

Iyaga oo telefishinka ka hadlayay ayay waxa ay tacsi u direen dhamaan dadka reer Masar.

Waa markii ugu horeysay ee xubnaha golaha militeri ee talada haya ay bixiyaan raali gelin tan iyo markii iska horimaadku bilwoday.

Masuuliyiinta Masar ayaa maanta gelinka danbe ku dhawaaqi doona sida ay u qorsheeyeen inay u dhacaan doorashooyinka baarlamaaniga ee lagu wado inay bilowdaan Isniinta.