Dad lagu dilay dalka Sacuudiga

Masuuliyiinta Sacuudiga ayaa sheegay in laba qof toogasho lagu dilay rabshadihii ugu danbeeyay ee ka dhacay bariga dalka.

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa waxa ay sheegtay in ciidmada ammaanka ay rasaas is weydaarsadeen koox dabley ah meel duug ah oo lagu aasayay laba qof oo horey loo dilay toddobaadkan.

Bishii hore ayaa wararka waxa ay sheegayeen in afar iyo toban qof lagu dhaawacay markii uu banaanbax ka dhacay isla gobolkaasi, kaasi oo hoy u ah shiicada laga tirada badan yahay ee Sacuudiga.

Masuuliyiinta Sacuudiga ayaa waxa ay ku eedeeyeen rabnshadahan u dambeeyay dabley u shaqeyneysa awoodo shisheeye.