Banaanbax weyn oo ka dhacaya Qaahira

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Kumanaan dad ah ayaa ilaa xalay joogay faraagaraha Taxriir

Tobanaan kun oo qof ayaa mar kale isugu imanaya fagaaraha Taxriir ee magaalada Qaahira ee dalka Masar, kuwaasi oo dalbanaya in uu dhamaado xukunka militeriga.

Dadkaasi ayaa waxa ku soo biiray musharaxa madaxweynanimada Mohamed El Baradei.

Kooxaha banaanbaxa qabanqaabinaya ayaa ku baaqay in si weyn la isugu soo baxo salaadda Jimacaha kadib.

Dad badan ayaa ilaa xalay joogay fagaaraha, inkastoo ay jireen waraka warbaahinta dalka oo sheegeysahy in Raiisul Wasaarihii hore, Kamal Ganzouri, uu oggolaaday inuu soo dhiso dowlad cusub, kadib markii uu wadahadal la yeeshay golaha militeriga ee haya talada.

Laakiin weriyayaasha ayaa sheegaya in Mr Ganzouri, oo 87 jir ah ay u badan tahay in aanay soo dhaweyn dhalinyarada banaanbaxaya.