Wax ka ogow DR Congo khariidad, qoraal iyo muuqaal

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 25 Novermber, 2011, 16:54 GMT 19:54 SGA

Isticmaal Khariidad iyo sawirro iyo muuqaalo si aad wax uga ogaatid waddanka Dalka Jamhuuriyada Dimoqraadiga ee Congo.

Congo ayaa soo martay dagaal sokeeye oo socday mudo dheer, waxayna isku diyaarinaysaa doorashadii labaad afartan sanno.

DR Congo
Cabir
Jamhuuriyada Dimoqraadiga ee Congo waxay kufadhidaa 2,344,858 laba jibbaar KM oo dhul ah bartamaha Afrika,iyadoo ka dhigaysa dalka laba iyo tobnaad ee ugu wayn adduunka.
Kheyraadka Macdanta
Congo waxaa ka buuxa kheyraad macdan.Waxay leedahay in ka badan 70% macdanta Colton ee muhiim u ah samaynta telefoonada gacanta, 30% keydka dheemanka addduunka iyo keyd farabadan ee macdanada Cobalt, copper iyo bauxite.Kheyraadkan waxa uu soo jiitay dadka wax dhaca,waxaana uu sii shiday dagaalka sokeeye ee dalka.
Gaadiidka
Weynaanta waddanka ka sokow,wadooyinka gaadiidka aad ayuu u xun yahay.153,497km oo jid 2,794km ayaa laami ka ah.Waxaa jira ilaa 4000km oo waddo tareen ah laakiin inteeda badan waa ciriiri waana xun yihiin.Wabiyadu waxay muhiim u yihiin qaadiska alaabta la gaynayo miyiga laakiin safarada bilooyin ayay qaadan karaan.
Tirada Dadka
Qiyaastii tirada dadka waa 71 milyan DR Congo waa dalka afraad ee Afrika ugu dadka badan.35% dadwaynaha waxay ku nool yihiin magaalooyink,magaalada caasimada ee Kinshasa waa tan ugu dadka badan, waxaana ku nool 8 milyan oo qof. DR Congo waxay leedahay ilaa 200 oo qoomiyadood oo ay ugu badan yihiin dadka iska leh Congo oo kala ah kooxaha Luba iyo Mongo.
Xog
Marka la eego baaxada iyo kheyraadka Congowaxay ahayd inuu waddan qani ah ahaado,laakiin sanado dagaal, musuqmaasuq iyo maamul xumo dhaqaale ayaa waddanka ka dhigay mid aad sabool u ah. 2011waxay aad uga danbeysaa waxyaabo badan oo horumarinta lagu qiyaaso iyadoo celceliska inta sano ee qofku uu noolaan karo ay korartay oo kaliya laba sano tan iyo 1980, kadib markii ay hoos u dhacday sanadihii 1990 meeyadii.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.