NATO oo weerartay ciidan Pakistani ah

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Pakistan waxa ay ammartay in la xiro meel sahayda looga gudbiyo ciidanka NATO

Ciidamada Militeriga waddanka Pakistan ayaa sheegay in ugu yaraan 26 ka tirsan askartooda in lagu dilay weerar ay qaadday dayaarad helicopter oo ay leeyihiin NATO meel u dhaw soohdinta dalka Afghanistan.

Saraakiisha Pakistan ayaa sheegay in weerarku ahaa mid aanay waxba sababin, isla markaana aan digniin lahayn.

Dowladda Pakistan ayaa hadda waxa ay amartay in la xiro jid muhiim ah oo sahayda laga siiyo ciidamada NATO ee ka dagaallamaya Afghanistan.

Weriyayaasha ayaa sheegaya in weerarkani uu sii xumeyn karo xiriirka labada waddan ee Pakistan iyo Mareykanka oo awalba xiisad ka taagneyd.