Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Turkey oo dhisaya madaarka Muqdisho

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Raiisul Wasaare ku xigeenka Turkey, Bekir Bozdag iyo Raiisul Wasaaraha Soomaaliya

Wafdi uu hoggaaminayo Raiisul wasaare ku xigeenka waddanka Turkey, Bekir Bozdag ayaa maanta tagay magaalada Muqdisho.

Wafdiga oo ka koobnaa 24 xubnood, ayaa waxa garoonka dayaaradaha ee magaalada Muqdisho maanta ku soo dhaweeyay saraakiil ka tirsan dowladda KMG ah ee Soomaaliya.

Xubnaha wafdiga Turkey ayaa isugu jira mudanayaal ka tirsan baarlamaanka, wasiirro iyo ganacsato.

Dowladda Turkey ayaa ka wadda magaalada Muqdisho mashruucyo dib u dhis iyo gargaar isugu jira.

Raiisul Wasaare ku xigeenka Bekir Bozdag ayaa waxa uu dhagax dhigay mashaariic uu ka mid yahay madaarka Muqdisho oo ay ka dhisayaan mid casri ah.

Waxaa kale oo si rasmi ah uu xarigga uga jaray safaaradda Turkey ee magaalada Muqdisho.