NATO ayaa qiratay weerarka Pakistan

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Ciidamada NATO ayaa waxa ay weerarreen saldhiga ciidanka Pakistan

NATO ayaa qiratay in dayaaradaheeda ay masuul ka ahaayeen weerarkii dhinaca cirka ee lagu qaaday saldhig ciidamada Pakistan ay ku lahaayeen meel u dhaw soohdinta Afghanistan.

Xoghayaha guud ee NATO, Anders Fogh Rasmussen, ayaa sheegay in dhacdadaasi ay ahayd mid aan loogu talagelin oo ah masiibo, isla markaana uu taageerayo si buuxda baaritaanka hadda socda.

Taliyaha ciidamada Pakistan ayaa ka qeybgalay aas loo sameeyay ciidamada lagu dilay weerarkaasi.

Hadal ka soo baxay wasiirka arrimaha dibedda ee Pakistan, Hina Rabbani Khar, ayaa lagu sheegay inay telefoon ka heshay Xoghayaha arrimaha dibedda ee Mareykanka oo ay uga tacsiyeynayaan.

Si kastaba ha ahaatee warar u dhaw NATO iyo Afghanistan ayaa u sheegay BBC in ciidamada rasaas looga soo riday gudaha Pakistan.