8000 oo u tartamaya baaralamaanka Congo

Jamhuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Congo ayaa waxaa si rasmi ah uga billaabatay doorashadii labaad tan iyo markii uu dagaalkii sokeeye istaagay siddeed sano ka hor.

Dadka Congo badankood waxay ku nool yihiin saboolnimo, inkasta oo dalku qani ku yahay kheyraadka dabiiciga ah.

Doorashadan diyaarinteedu waxay ahayd mid aad u dhib badan, maaddaama uu dalku yahay mid aad u ballaaran isla markaana aan lahayn kaabayaal wanaagsan.

Goobaha cod bixinta qaarkood dib ayay u dhacday cod dhiibashadu dhib xagga logisticada awgiis.

Madaxweyne Joseph Kabila, oo toban sano xilka hayay ayaa waxaa la tartamaya toban murashax oo kale, oo uu ka mid yahay hoggaamiyaha mucaaradka ee ruug caddaaga ah, Etienne Thisekedi.

Dadku waxaa kale oo ay dooranayaan baarlamaan cusub.

Xubnaha baarlamaanka u tartamaya waa siddeed kun oo murashax.