Masar waxay dooraneysaa baarlamaan

Magaalooyinka waaweyn ee Masar ayaa waxa ka socda cod bixin lagu dooranayo xubnaha baarlamaanka.

Waa doorashadii ugu horreysay tan iyo markii la riday Madaxweynihii hore, Xusni Mubaarak.

Magaalaada caasimadda ah ee Qaahira ayaa goobaha cod bixinta waxaa ka jira safaf dhaadheer.

Dadka qaar ayaa walaac ka muujinaya ammaanka.

Bannaanbaxayaashuna waxay weli ku sugan yihiin fagaaraha Taxriir, qaar badan oo ka mid ahina waxay dalbayaan in militerigu si deg deg ah u wareejiyo xukunka.

Laakiin ururka Akhwaanu Muslimiin oo ah dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee ugu abaabulan Masar, waa uu taageersan yahay cod bixinta.

Doorashada baarlamaanku ma dhammaan doonto ilaa bisha soo socota.