Laba qarax ayaa 10 ku dilay Muqdisho

Muqdisho Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Muqdisho

Laba qarax oo ka dhacay Muqdisho maanta ayaa waxaa ku dhintay toban ruux.

In ka badan toban kale ayaa iyaguna ku dhaawacmay.

Qaraxa hore wuxuu ahaa weerar is-qarxin ah oo lala beegsaday militeriga.

Afar askari ayaa goobtii ku dhintay.

Qaraxa labaad waxaa uu ahaa bambaano ku qaraxday dad rayid ah. Lix ayaa halkaa ku dhintay.