Shabaab: Saldhig ayaan qabsanay

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Qaar ka mid ah dagaalyahaniinta al-Shabaab

Shabaab ayaa sheegatay in ay ciidamada dowladda KMG ah Soomaaliya ka qabsadeen saldhig ay ku lahaayeen meel u dhexeysa Qooqaani iyo Af Madoow ee Jubada Hoose.

Shabaab waxa ay sheegtay in saaka waaberigii ay weerar culus ku qaadeen saldhigaasi kadibna ay qabsadeen.

Dhinaca ciidanka dowladda KMG ah ee Soomaaliya wax war ah kama soo saarin sheegashada al-Shabaab.

Gobollada Jubbooyinka ayaa intooda badan waxaa gacanta ku haya al-Shabaab oo dagaal kula jirta ciidanka dowladda Soomaaliya.