Amnesty oo eedeysay Sacuudiga

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Mid ka mid ah ciidanka ammaanka ee Sacuudi Carabiya

hey'adda xuquuqda aadanaha u doodda ee Amnesty International ayaa ke eedeeysay waddanka Sacuudi Carabiya inuu qaaday cadaadis cusub oo ay kaga hortagayaan in banaanbaxyada Carabta ay saameeyaan gudaha dalkaasi.

Warbixin cusub oo ay soo saartay Amnesty ayaa lagu sheegay in kumanaan la xiray, dad isbeddel doon ahna lagu xukumay xabsiyo dhaadheer kadib markii la saaray maxkamad aan cadaalad ahayn.

Waxaa sidoo kale ay ku eedeeysay wasaaradda arrimaha gudaha inay baadigoobeyso awoodo dheeraad ah oo u oggolaanaya inay ku xadgudbaan xuquuqda aadanaha iyada oo aan waxba loo raacan.