Galmudug oo Caalin ridday

Image caption Maxamed Axmed Caalin

Barlmaanka mamulka Galmudug ee Somalia ayaa sheegay in fadhi uu maanta ku yeeshay Gaalkacyo in uu xilka uga qaaday Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug, Maxamed Axmed Caalin.

Guddoomiyaha barlamaanka Galmudug, Xasan Maxamud, ayaa BBC u sheegay in ka dib cod loo qaaday 17 xildhibaan oo ka mid ah 25ka xildhibaan ee baarlamaanku ay u codeeyeen in xilka laga qaado Madaxweyne Caalim.

Wuxuu sheegay in madaxweyne ku xigeenka maamulka, Abdisamad Nuur Guuleed, uu iminka noqday Madaxweyne sii haye ah.

Ilaa iyo hadda wax war ah lagama hayo, Madaxweynihii Galmudug, Maxamed Axmed Caalin, oo isaguna ku sugan magaalada Gaalkacyo.