Mareykanka oo ka digay Boko Haram

Warbixin kongoreska Mareykanku soo saaray ayaa ku tilmaantay in kooxda Islaamiyiinta Nigeria, Boko Haram, ay tahay khatar ku soo socota Mareykanka.

Guddoomiyaha Guddigii warbixinta soo saaray, Patrick Meehan, ayaa BBC u sheegay in ay tahay in Mareykanku uu kordhiyo awooddiisa xog ururin ee Nigeria, isla markaana uu horumariyo xiriirka uu la leeyahay hey'adaha ammaanka ee Nigeria.

Weerarrada Boko Haram waxaa ka mid ah mid ay ku qaadday xafiiska Qaramada Midoobay ee Nigeria, halkaas oo ay ku dhinteen 150 ruux.

Warbixinta Mareykanku waxay sheegeysaa in laga yaabo in Boko Haram ay ku hawlan tahay xiriir ay la yeelato al Qaacida iyo al Shabaab.