Madaxa Cusub ee ICC

Astaanta Maxkamda ICC Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Lious Moreno Ocampo

Fatou Bensouda oo u dhalatay dalka Gambia ayaa lagu wadaa in ay noqoto dacwad oogaha cusub ee maxkamada caalamiga ah ee dembiyada dagaalka.

Mrs Bensouda oo 50 jir ah, waxay beddeli doontaa Lious Moreno Ocampo, oo xilligiisu dhamaanayo sanadka soo socda, sida laga soo xigtay diblomaasiyiin.

Dhammaan dacwadaha haatan horyaalla maxkmadda caalamiga, waa kuwa khuseeya Qaaradda Africa, qaar ka mid ah hoggaamiyaasha Afrika ayaa ku eedeeyey maxkamda in ay qaadeyso keliya dacwadaha taabanaya Afrika.

Dadka ilaa imika ay xirtay maxkamaddu waxay ka soo kala jeedaan waddammada Jahuuriyadda dimoqaraadiga Congo, Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika iyo Ivory Coast.

Sidoo kale maxkamdaa ICC waxay amarkii lagu soo xiri lahaa u jartay eedeysanayaal ka soo jeeda waddammada Uganda, Libya, waxayna maxkamaddu eedeysay lix shaqsi oo ay sheegtay in ay ku lug lahayeen rabshadihii kenya ka dhacay ka doorashooyinkii uu muranku ka dhashay 2007-dii.

Madaxweynaha Sudan ayaa ka mid ah dadka ay doonayso maxkamadda caalamiga ah ee dembiyada dagaalka.