Ruushka oo doorasho u dareeray

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Dad codkooda dhiibanaya

Cod bixin ayaa ka billaabatay ruushka, lagu dooranayo xubnaha baarlamaanka.

Ruushka oo ah dalka adduunka ugu weyn oo dalkiisu gees ka gees uu kala horreeyo sagaal saacadood ayaa doorashadu waxay ka billaabatay gobollada bariga fog.

Waxaa la qiyaasayaa in uu ku guuleysan doono xisbiga Ruushka Midoobay eee Ra'iisal Wasaare Vladamir Putin.

Laakiin isla xisbigaas ayaa la sheegay in kuraasta uu hadda ka haysto aqalka hoose uu qaarkood lumin doono.