Sudan oo sheegatay libin dagaal

Madaxweyne Omar al Bashir Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Madaxweynaha oo booqanaya Kordofanta Koofureed

Militeriga Sudan ayaa sheegaya in uu saldhig muhiim ah ka qabsaday mucaaradka ka dagaallamaya gobolka colaaddu ay ka taagan tahay ee Koofurta Kordofan.

Gobolku wuxuu saaran yahay soohdinta aan sida anaagsan loo calaaamadeyn ee Sudanta koofureed.

Waxayna dowladda Sudan sheegeysaa in saldhiggan ay lahaayd jabhadda SPLA North oo dagaalkii sokeeye ee Sudan iyadu u dagaallameysay Koofruta.

Dowladaha labada Sudan waxay mid waliba tan kale ku eedeysaa in ay taageerto mucaaradkeeda hubeysan.

.