Ururka Carabta oo Suuriya u hanjabay

Jaamacadda Carabta ayaa Suuriya ka qaadday tallaabadii ugu adkayd ee abid ay ka qaaddo dal xubin ka ah ururka.

Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee carabta oo ka dhacay dalka Qadar, ayaa Jaamacadda carabtu Suuriya u qabaty in ay ugu dambeyn maanta oo Axad ah ay qabasho talo soo jeedintii ururka oo ah in ay Siria ay tagto ergo kor joogto ah.

Wasiirradu waxaa kale oo ay xaqiijiyeen cunaqabateyn dhaqaale oo dalkaas ka dhan ah, cabburinta dadka gacanta loola tegey ee ay Syria ku sameysay kacdoonka awgiis.

Wasiirradu waxay soo saareen magacyada 19 mas'uul oo sare oo reer Syria ah, oo hantidooda la xannibi doono isla markaana laga mamnuucayo in ay u safraan dal carab ah.

Dhinaca kale kacdoonka ayaa weli socda iyada oo la sheegay in shalay 24 ruux lagu dilay Syria.