Cunaqabatayn la saaray Eriteria

Golaha Ammaanka Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Golaha Ammaanka

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa adkeeyey cunaqabatayntii saarnayd Eriteriya ka dib markii lagu eedeeyay Eriteria inay sii wado taageerada ay siiso Alshabaab.

Go'aanka Golaha Ammaanka ayaa ka doonaysa shirkadaha macdanta ee ka shaqeeya Eritariya inay hubiyaan in lacagtooda aan loo isticmaalin in lagu qal qal galiyo amanka gobolka.

Madaxweynaha Somaaliya iyo Raiisalwasaaraha Itoobiya ayaa u sheegay Golaha Ammaanka in Eritaria ay jabinayso sharciga caalamiga. Eriteria ayaa beeninaysa eedeymahan.

Laba sano ka hor Golaha Ammaanka ayaa cuna qabatayn ku soo rogay Eritariya oo ay ku jirto cunaqabatayn hub.