Asad: Nacas uun baa dadkiisa dila

Madaxweynaha Suuriya, Bashar al Asad, ayaa iska fogeeyay in uu isagu amar ku siiyay militerigu in ay dadka dilaan ama ay si adag u kala firixyaan dadka dowladda ku bannaanbaxaya.

Wuxuu intaa ku daray in qof nacas ah oo keliyihi uu dadkiisa dilo.

Wareysi uu siiyay Telefishinka ABC News ee Mareykanka, adaxweyne Asad wuxuu ku tilmaamay in ciidanka iyo dalka midkoodna aanuu ahayn milkiyad uu isagu leeyahay.

Waxaa kale oo uu sheegay in uu sameeyay sida ugu habboon ee uu awoodo oo uu ku badbaadinayo dadka Suuriya.

Rabshadaha dhacay ee gacanta la isula tegey anigu ma dareemiyo ayuu yiri in aan anigu leeyahay mas'uuliyaddooda oo aan dembi ku leeyahay.

Wuxuuse sheegay in uu ka xun yahay in dad ku naf waayay rabshadaha.

Wuxuu si aad ah u weeraray Qaramada Midoobay oo soo saartay warbixin ay ku tilmaantay in Suuriya ay gashay dembiyo ka dhan ah aadminnimada.

Madaxweynuhu wuxuu Qaramada Midoobay ku tilmaamay urur aan la aammini karin.