Kenya oo ku biireysa AMISOM

Baarlamaanka Kenya Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Baarlamaanka Kenya

Baarlamaanka Kenya ayaa isku raacay in ciidammada Kenya ee ku sugan Soomaaliya, ay ka mid noqdaan ciidanka AMISOM.

Taa macnaheedu wuxuu noqonayaa in ciidan hoos yimaada Taliyaha AMISOM.

Waxaa kale oo macnaheedu noqonayaa in Kenya ay caalamka weydiisan karto caalamku in uu bixiyo kharashka ku baxaya hawlgalkooda.

AMSIOM waxay hadda ka kooban tahay ciidammo ka socda Uganda iyo Burundi.

Waxaana ciidanka AMISOM uu ku sugan yahay caasimadda Muqdisho.

Laakiin Wasiirka Difaaca Kenya, Yusuf Xaaji, ayaa BBC u warramayay ayaa ku tilmaamay in aan dalku ahayn Muqdisho oo keliya.

Wasiirku wuxuu ku gacan seyray su'aal soo jeedineysa bal in laga yaabo in Kenya ay hawshani ku noqoto mid xasillooni darro u keenta.