Weerar ka dhacay Koonfurta Suudan

Koonfurta Suudaan Lahaanshaha sawirka 1
Image caption Weerar ka dhacay dalka Koonfurta Suudaan

Weerar ka dhacay dalka Koonfurta Suudaan waxaa lagu dilay ilaa 41 qof. Weerarka waxaa uu ka dhacay gobolka Jonglei oo ah goob ay ka dhacaan iska horimaadyo qabiil.

Koonfurta Suudaan waxay xornimo qaadatay bishii July ee sanadkan, dhibaatooyinka haystana waxaa ka mid ah nabadgelyo la'aan.

Laba kooxood oo ah rag hubaysan ayaa ku soo dhawaaday tuulada Jalle, waxayna bilabeen inay rasaas ridaan.

dadka halkaasi ku dhintay waxay u badnaayeen dumar iyo carruur. Canug yarna waxaa lagu dilay faas.

Guddoomiyaha gobolka Jonglei Kuol Manyang ayaa arrintaasi BBCda u sheegay. Dad kale waxaa lagu gubay guryahooda kadib markii ay isku dayeen in ay ku dhexdhuuntaan.

Kuwa ay usuura gashay inay ka badbaadaan weerarkani ayaa beesha Murle ku ededeeyay in ay weerarkani soo qaadeen, waxayna sheegeen in halkaasi ay ka dhaceen lo' tira badan.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in kooxahani weerarka soo qaaday ay ku dhawaad afar maalmood ka soo lugeeyeen halka ay deganyihiin si ay weerarkani u qaadaan.

Waxa kale oo uu sheegay in dadkii ka badbaaday ay ku raad joogaan kooxahani, taasi oo sabab u noqon karta dagaalo is daba joog ah.

Lo'da waxay qabaailka degan koonfurta Suudaan astaan u tahay hodonimo, dadka qaarkii ayaana caadaystay inay dhacaan lo'da.

Waddooyin oo xun awgeed, ayaa ciidanka nabad sugidda waxaa ku adag in ay kolba meel tagaan.

Dagaaladii koonfurta ka socday 20ka sano ayaa sabab u noqday in dadka intooda badan ay hubaysnaadaan, iyadoo aarsiga xigi karo weerarada noocaan ah ayaa u horseedi karaan dagaalo sokeeye o mudo dheer qaadan kara.

Bishii sideedaad ilaa 600 oo qof ayaa hal maalin oo keliya lagu dilay isla gobolka Jonglei.

Masuliyiinta, Ciidanka nabad sugidda ee Qaramada Midoobay iyo kaniisada dhamaantood, waxay is ku dayayaan inay ku qanciyan dhinacyada isku haaya halkaasi inay nabada dhowraan.

Hasa ahaate, qof kasta waa uu ogyahay sida ay u xuntahay xaalada amaan ee Jonglei, oo kamid ah caqabadaha ugu waaweyn ee hortaagan dowladda.