Shir madaxeedka Europe

Hoggaamiyayaasha Faransiiska iyo Jarmalka ayaa Yurub gacan weydiistay ayaga oo isku dayaya in ay badbaadiyaan aayaha lacagta Euro oo dhibaato weyn ay ku hayaan deymaha dowladaha lagu leeyahay.

Shir muhiim ah oo ay Madaxda Yurub leedahay, ayaa Madaxweynaha Faransiiska, Nicolas Sarkozy, uu ka digay in khatarta Yurub ugu jirto in ay kala burburto ay tahay markii ay ugu darnayd.

Ma jirto, ayuu yiri, fursad labaad uu xal lagu gaaro.

Hoggaamiyaha Dowladda Jarmalka, Angela Merkel, waxay ku tilmaantay in ay lagama maarmaan tahay in isbeddel lagu sameeyo Dastuurka Yurub, si loo meel mariyo in waxaaga la isku filleysiiyo.

Waxay tiri 27 -ka dal ee xubnaha ka ah Midowga Yurub waa in ay wadajir uga shaqeeyaan sidii looga bixi lahaa qalalaasaha dhaqaale ee ka taagan xeynaadbka Euro.

Madaxweyne Sarkozy isagu waxaa uu yiri haddii la waayo in 27-ka xubnood ay wax isku af gartaan, markaa 17-ka dal ee wadaaga lacagta Euro ayay tahay in ay gooni u heshiiyaan.